XOG: Kheyre oo Hotel Muqdisho ku yaalla ku kireystay 400 Kun oo dollar

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne ayaa magaalada Muqdisho ka wada olale xooggan oo ugu jiro Doorashada 2020/2021, isagoona kireystay mid kamid ah Hoteelada ugu qaalisan Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa kireystay dhismaha “Green Paradise Hotel” muddo 6 bilood ah, isagoona bixiyay dhaqaale gaaraya $400,000 kun oo dollar oo kirro ah, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka agdhow.

Dhismaha Hotelka ayaa la dajiyay dhalinyaro laga kala keenay Gobalada kala duwan ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Gobalada Somaliland iyo Puntland iyo dibedda, kuwaas oo ka amaani doona baraha bulshada, sidoo kalena ceyn doona Musharixiinta ay sida weyn isaga soo horjeedaan oo uu kamid yahay Madaxweynaha waqtigu kasii dhamaanayo ee Farmaajo.

Sidoo kale, Kheyre oo la tuhunsan yahay in mudadii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa dhacay in ka badan 30 Milyan oo dollar, ayaa kireystay guryaha ku yaalla agagaarka Hotelkan oo saaran Wadada Garoonka diyaaradaha, isagoona baro ciidan ka sameystay Wadada Garoonka iyo waddooyinka kale ee soo gala “Green Paradise Hotel”, waxaana talaabadan lagu tilmaamay Awood muujin.

Xasan Cali Kheyre, ayaa kamid ah Musharixiinta dadaalka ugu jira guusha doorashada 2020 – 2021, waxaase uu wajahaya caqabado badan, kuwaas oo ay sal u yihiin dhaqamadii Siyaasadda uu kusoo bilaabay, sida Ballan ka bax, Khiyaamo, Colaad oogis iyo ka been sheegida danaha Qaranka, kuwaas oo sababi doona guul-daro uu ka dhaxlo Doorashada Madaxweynaha.

Shabakadda Idil News – Muqdisho.