Akhriso: War-murtiyeed kasoo baxay Shirka midowga Musharixiinta Doorashada

Shirka Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021, ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo waxa ay ku diidan yihiin Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ayaa dalbaday in lakala diro guddiyada Doorashada ee magacaabay, iyo in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Teendhada Afisyooni oo aheyd, halkii ay ka dhacday doorashadii Madaxweynaha 2017.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku hanjabay in dowladda Federaalka haddii ay qaado tallaabo lagu taaba gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn ka shaqeyn doonaan hannaan doorasho dalka lagu badbaadinayo, si aanu u dhicin firaaq awoodeed iyo mid Dastuuri.