AUN Gen. Khaliif Ciise Mudan oo Aas Qaran loogu sameynayo Garoowe

Waxaa lagu wadaa in jimcaha berri ah Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland AUN Marxuum Genaraal Khaliif Ciise Mudan, oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland.

Meydka Gen. Mudan ayaa laga soo qaaday xalay Dalka Turkiga oo ku geeryooday, waxaana diyaarada wada ay saacado kaddib soo caga dhigan doonta Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Guddoonka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Masuuliyiin ka socda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Marti kale ayaa ka qeybgalaysa Aaska Qaran ee Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan.