Madaxweyne Deni oo la kulmay Baarlamaanka Puntland, baaqna u jeediyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan qado oo is xogwareysi ah la yeeshay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland la wadaagay xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka 2020 – 2021, waxaana uu sheegay in Puntland ay door muuqda ka cayaartay in la cadeeyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqay la shaqeynta Xukuumadda, iyadoo la ilaalinayo is dheeli-tirka Dowladda, iyo la xisaabtanka Xukuumadda, waxaana uu xusay in loo baahan yahay inay ka feejignaadaan dabinada loo maleegayo Dowladnimada iyo Hormarka Puntland ee 22 sanno jirsaday.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.