Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Canada

Magalada Idmanton Gobolka Alperto ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed halka mid kale lagu dhaawacay, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ku nool dalkaas.

Dilka & dhaawaca loo geystay labada qof ee soomaalida ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyen rag hubeysan oo ugu tagay, kaddibna rasaas ku furay Goob ay fadhiyeen oo ku taalla Waqooyiga Magalada Idmanton ee dalka Canada

Bashiir Xaaji Cali oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa sheegay in dadkii ka damebeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed & dhaawaca qofka kale ay goobta ka baxsadeen, isla markaana aysan jirin cid dabagashay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in 15-kii Sano ee la soo dhaafay Gudaha dalka Canada gaar ahaan Magaalada Idmanton ay si caadi ah uga dhacayeen dilalka qorsheysan  ee loo geysanayo Soomaalida.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Canada ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay baadi-goob ku hayaan dadkii hubeysnaa ee ka damb eeyay dilka & dhawaca Magaalada Idmanton loogu geystay Soomaalida, isla markaana baaritaano ay wadaan.