Kalluumaysatada Boosaaso oo khasaare kala kulmay Roobabkii dabeylaha watay (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud, ayaa u kuurgalay xaalada kalluumaysatada magaalada Boosaaso oo khasaare kasoo gaaray roobkii ka da’ay magaalada.

Kormeerka masuuliyiinta wasaaradda kalluumaysiga ay ugu kuurgelayeen xaalada kalluumatada waxaa ku waheliyey masuuliyin katirsan wasaaradda Dekedaha, Taliyaha saldhiga dekedda, iyo masuuliyiin katirsan Hay’adda FOA.

Saxiimadaha kalluumaysiga ayaa qaarkood kusoo caariyey nawaaxiga Dekeedda, iyado sidoo kale uu burbur soo gaaray qaar kamid ah qalabka kalluumaysatada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa guddoonka iskaashatada kalluumaysatada ka dhegaysteen warbixin ku aadan khasaaraha soo gaaray qalabka ay ku kalluumaystaan.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa warbixinta Guddoonka Iskaashatada kalluumaysatada kaddib, la wadaagay Hay’adaha caalamiga ah heerka ay gaarsiisan tahay khasaaraha soo gaaray qalabka ay isticmaalan kalluumaysatada, isagoona ka codsaday inay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha roobka kasoo gaaray kalluumaysatada.