Axmed Madoobe oo booqanaya magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Gobalka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda bilaabi doono socdaalo uu ku tagayo magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe ee xarumaha u ah Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa abuucan gudihiisa tagi doona magaalada Baydhabo halkaas uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Lafta-gareen. Kulanka ayaana looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka DFS.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland safarkiisa Baydhabo kaddib booqan doona magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Golayaasha Dowladda, Isimada iyo Waxgaradka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa kulankooda diirada ku saari doona xoojinta xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo Amniga, si gaar ah labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doona doorashooyinka DFS 2020 – 2021, iyo doodaha ka taagan guddiyada doorashooyinka, iyagoona go’aan wadajir ah uga dhawaaqi doona.