Baarlamaanka Puntland oo ka dooday dib-u-eegista heshiiskii DP World ee Dekedda Boosaaso

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa dood ka yeeshay dib-u-eegista u eegista Heshiiskii Puntland iyo Shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso.

Kulanka oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa loo gudbiyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland codsi ka yimid Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda.

Dood dheer kaddib, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa u codeeyay codsiga Madaxweyne Deni, waxaana ogalaaday 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.