Baarlamaanka Puntland oo kulan xasaasi ah maanta yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta lagu wadaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda Magaalada Garoowe, iyagoona uga doodi doona Dib-u-eegista heshiiska Puntland iyo P&O (DP World) ee Dekedda Boosaaso.

Xildhibaanada ayaa kulankoodii khamiistii waxaa ay u codeeyeen in lasoo hormariyo qodobka ka doodista dib-u-eegista Heshiiskii Shirkadda DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso, kaas oo Ajandaha Golaha horey uga jiray qodobka 13-aad.

Heshiiskii Shirkadda DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso oo Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas saxiixday sanadkii 2017-kii, ayaa dhigaya in muddo labo sanno ah DP World ku dhisto Deked casri, iyadoo sii maamuli doonta 30 sanno, balse Shirkadda DP World ayaan illaa hada waxba ka qaban hormarinta Dekedda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo khamiistii la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa ka dalbaday in aysan siyaasadeyn heshiiskan ayna fursad siiyaan Xukuumaddiisa oo haatan meel wanaagsan wax marinaysa.