Dhalinyaradii ku dhintay Qaraxii Gelato Devino oo Muqdisho lagu aasay (VIDEO)

Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuraha Isbitaalka Xooga ee Magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay 8 Dhalinyaro ah oo xalay lagu laayay Maqaayada Gelaato Devino ee Muqdisho.

Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.