Madaxweyne Deni oo la kulmay Madaxa Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxda UNFPA ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta shaqooyinka ay ka wadaan Puntland, mashaariicda arrimaha bulshada ee socda iyo kuwa qorsheysan.