Mahad Salaad “Farmaajo damqasho iyo damiir naxa midna ma leh”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso sii dhamanaayo in uusan wax masuuliyad ah iska saarin ilaalinta Amniga Shacabka iyo sidoo kale u damqashada Shacabka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan ka tacsiyeeyn dhalinyaradii Soomaaliyed ee xalay qaraxa lagula beegsaday Maqaayadda Jallaato Divino oo ku taalla Muqdisho.

“Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay ilaa hada Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin. Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwanyihiin”

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay shacabka kunool caasimada in ay hurdada ka kacaan una istaagaan sidii loo badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed.