Sheekh Shariif oo kulamo Siyaasadeed ka wada Baydhabo, lana kulmay Odayaasha (VIDEO)

Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Shekh Shariif Shekh Axmed, oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa looga hadlay marxalada ay mareyso Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka oo ay ugu horeyso soo xulista Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo ay Awooda ugu badan lee yihiin odayaasha dhaqanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ilaalinta dhex-dhexaadnimada oo sal u ah dhaqanka Soomaaliyeed, iyo in ay iibsadaan masiirka dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa la wadaagay Odayaasha dhaqanka damiciisa ku aadan hoggaaminta Dalka, isagoona ka codsaday Odayaasha inay ka shaqeeyaan sidii Dowlad dhiska Soomaaliyeed oo ay soo bilaabeen sanadkii 2000 ay u sii xoojin lahaayeen.