Turkiga oo si adag uga hadlay Qarixii Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si adag uga hadashay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayada Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida 8 qof oo ku naf waayay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xalay Muqdosho.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Turkiga.