Wafti uu hoggaaminayo Wasiir Dhabancad oo gaaray Isku-shuban (VIDEO)

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa waxaa safarka ku wehlinayey Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari, waxaaana kusoo dhaweeyay Degmada Isku-shuban Maamulka Degmada, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal shacabka ah.

Ujeedka safarka Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ku saabsan dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban iyo wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Dhabancad ayaa uga mahad-celiyay Maamulka iyo Shacabka degmada Isku-shuban soo dhaweynta balaaran ee ay u sameeyeen, isagoona sidoo kale ka warbixiyay ujeedka safarkiisa.