VIDEO: Ciidanka Dowladda oo taagtay xubno uu kamid yahay Macalin Ilka-case

Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay saaka 3 xubnood oo kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, oo uu kamid yahay Macallinkii dilaaga ahaa Maxamed Xaaji Ilka case.

Sidoo kale, Xubnaha kale ee lala toogtay Macalin Ilkacase ayaa kala ahaa Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, waxaana toogashadoodu ay ka dhacday fagaaraha dugsiga Booliska ee Genaraal Kaahiye.