Puntland oo baraysa Hanaanka wax soo iibsiga Shaqaalaha D/hoose ee Puntland & Galmudug (VIDEO)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay Tababar ku saabsan Hannaanka wax soo iibsiga Dowladaha Hoose kasoo kor loogu qaadayo aqoonta shaqalaha degmooyinka ee ku lugta leh Arrimaha wax soo ibsiiga Degmooyinka.

Tabarbarka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb-galay Wafdi ka socda Galmudug oo aqoon kororsi u joogay Puntland, Shaqaalaha Dowladdaha Hoose, Qaar kamida shaqaalaha iyo la-taliyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo si rasmiya u daah-furay Tobabarka Hannaanka wax soo iibsiga Dowladaha Hoose, ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta ka qeyb-galaya inay si wanaagsan uga faa’ideystaan.