Puntland oo Boosaaso ku qabatay kulan looga hadlayo saameynta Cimilada (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Marwo Seynab Ismaaciil, ayaa la kulmay Maamulka Degmada Boosaaso, Beeralayda, Xoolo dhaqatada, Kallumaysatada iyo Barakacayaasha Boosaaso.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyey saamaynta Isbedelka Cimilada ee dhinacyada dhaqaalaha, kaabayaasha dhaaqaalaha iyo tacaddiyada bini’aadamtimo ee ka dhasha isbedelka cimalada iyo weliba hababka ugu haboon ee lagula tacaali karo.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa kormeeray goobaha gawaarida xamuulka ah isaga bedelaan olyada iyo taayirada, taas oo keentay dhallan bedelka bilicda magaalada iyo burbur deegaan.