Shirweyne looga tashanayo arrimaha Haweenka oo Garoowe ka furmay (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka daah-furtay Shirweynaha Haweenka kamidka ah Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Shirwaynaha Haweenka Gollayaasha Deegaanka Puntland oo socon doona muddo Labo maalmood ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay gabdhaha golayaasha deegaanka degmooyinka iyo Maamulka degmooyinka uu ka shaqeeyo Mashruuca horumarinta Dowladaha hoose ee (JPLG).

Sidoo kale, Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland Sahro Kiin Xirsi, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaalada Mudane Ilyaas Cabdi Maxamed, Wasiiru-dowlaha Wasaardda Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada Marwo Fardowso Cismaan, Madaxa Hay’adda UNDP, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Puntland, Madax ka socota ururada bulshada rayidka iyo boqolaal haween.