Wasiir Dhabancad oo baaq adag u gubiyay Odayaasha dhaqanka Isku-shuban (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa kulan laqaatay Maamulka Degmada, Waxgarad, iyo Odayaasha dhaqanka Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

Kulanka ayaa looga hadlayay Arrimaha dhismaha Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban, iyo sidii odayaasha doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen, xoojinta amniga, wada-shaqeynta  Dowlada  iyo bulshada iyo wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuquradiyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay ka qeybqaatan dhismaha Golaha deegaanka Degmada Isku-shuban iyo Hormarinta Degmada, isagoona xusay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay wax ka qabashada Degmada, ayna ka qaataan doorkooda.

Kulanka ayaa Wasiir Dhabancad waxaa ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Tamar, Macdanta iyo Biyaha Puntland, iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, waxaana uu kusoo dhamaaday is afgarad, Masuuliyiinta iyo Odayaasha dhaqanka Degmada ayaana ku balamay in sida ugu dhokhsaha badan odayaasha ay u soo gudbiyaan liiska xubnaha Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban.