Buuq hareeyay kulan ay maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka Puntland (Sawirro)

Buuq iyo Sawaxan ayaa hareeyay kulanka maanta ay xaruntooda Garoowe ku yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kaas oo la xariiray la xisaabtanka Xukumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Kulanka oo saaka uu hortagay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta Dhaqaalaha iyo Xariirka Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, ayaa fashilmay kaddib markii Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada ay bilaabeen Buuq, iyagoo ku doodaya in sifo sharci-darro ah loo maray ka doodistii Heshiiskii Puntland iyo Shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso oo sabtidii Baarlamaanka Puntland u codeeyay in loo daayo Xukuumadda.