Guddoomiyaha Gobalka Bari oo la kulmay Hay’adaha UNHCR iyo DRC (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa kulan looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeysay Duufaantii Gati ee ku dhufatay Gobolka Bari la qaatay Hay’adaha UNHCR iyo DRC.

Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi Ciro Iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Ahmed xaaji Maxamud.

Hayaddaha UNCHR Iyo DRC oo iska kaashanaya taakulaynta dadka Roobabkii da’ay ku waayey Guriyihii iyo xoolihii ay haysteen iyadoo ay caawin doonaan Dhammaan dadka ay saameeysay Duufaantii ku dhufatay Gobolka Bari.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan ayaa ugu mahadceliyey UNCHR Iyo DRC kulankan waxa uuna ku aamanay shaqada adag ay ka hayaan Gobolka iyadoo lagu jiro xalaad dag-dag ah oo loogu gurmanayo dadka uu saameyey Robabkii da’ay iyo Duufaantii ku dhufatay Qaybo ka mid ah Deegaanada Iyo Degmooyinka Gobolka Bari.