Mudug: Al-Shabaab oo weeraray saldhig ay lee yihiin Ciidanka Dowladda

Wararka ka imaanaya Deegaanka Bacaadweyne ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday waaberigii saaka Saldhigyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilowday Qaraxyo uu xigay dagaal toos oo dhexmaray Ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga dalka iyo  maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray Labada dhinac.

Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa Isgaarsiinta ka jartay Deegaanka Bacaadweyne, waxaana Qoraal lagu daabacay baraha taageera Al-Shabaab lagu sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Bacaadweyne ee Koonfurat Gobolka Mudug, sidoo kale ay dagaalka ku qabsadeen illaa 5 gaari oo nooca dagaalka ah.