Farmaajo oo looga digay qalalaase Siyaasadeed inuu Dalka galiyo

Walaaca laga qabo in doorashada Dalka ay dib u dhacdo ku ke, isla markaan dalka uu galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ayaa aad isu soo taraya.

Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaannadii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in aanu dalka u horseedin qalalaase iyo fowdo, isla markaana wanaaggii shalay lagu doortay laga doonayo inuu sameeyo oo doorasho hufan uu qabto.

Sidoo kale, Siyaasiyiin dhowr ah ayaa u jeediyay Madaxweyne Farmaajo inuu dalka u turo, isla markaana uusan damaciisa siyaasadeed uu god ugu ridin dalka.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhowaan ka digay in haddii dowladda Federaalka ku adkeysato doorasho aan lagu qanacsaneyn ay sameyn doonaan hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo.