Isbitaalka Degmada Caluula oo Hooyadii ugu horaysay lagu qalay

Hooyadii ugu horaysay ayaa xalay lagu qalay cisbitaalka degmada Caluula ee xarunta Gobalka Gardafuu oo dhawaan laga soo kordhiyay qaybta qaliinka oo si casri ah loo qalabeeyay.

Hooyada qaliinka lagu sameeyay ayaa gaari caafimaad looga soo qaaday degmada bareeda ee Gobolka Gardafuu.

Hooyada uurka leh ama xanuusanaysa ayaa markii hore la marin jiray wado badda ah ama mid bariga oo qaadan jiray 48 saacadood, iyadoo la gayn jiray magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Dadweynaha kunool Gobolka Gardafuu ayaa soo dhaweeyay sida Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ay ugu soo dhaweysay adeegan caafimaad oo mudo la dhawrayay ayna usahashay in cisbitaalka laga helo.