Midowga Musharixiinta “Xiriirka Dowladdu u jartay Kenya waa olale doorasho” (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ujeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Dowladda Kenya ay tahay mid loola jeedo in loo adeegsado olole doorasho oo aan loogu daneyn danta Qaranka.

Midowga Musharixiinta ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo uu ololihiisa doorashada 2016 ay xaruntiisa aheyd Kenya, halku dhigga ololaha uu ku soo galay ay aheyd in Itoobiya tahay Cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, balse xilligan ay sida kale isu rogtay.