Sidee Beelaha degan Degmada Isku-shuban u qeybsan doonaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ? (Akhriso)

Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu sheegay in xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari ay noqon doonaan 27 xubnood.

Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa shaaciyay tirada Beel kastaa oo degan Degmada Isku-shuban ay ka helay Golaha Deegaanka cusub ee loo dhisayo Isku-shuban.

Golaha Deegaanka cusub ee loo dhisayo Degmada Isku-shuban ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Degmadaas yeelato tan iyo aas-aaskii Dowladda Puntland, waxaana muddo socday Shirar looga hadlay dhismaha Golaha oo ka dhacay Isku-shuban iyo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.