Diyaaradda Air Jabuuti oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha Garoowe

Diyaaradda Air Jabuuti ayaa shil ku gashay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, xilli ay ka dageysa Garoonka diyaaraddu, waxaana gabi ahaanba hakad ku jira shaqadii Garoonka.

Shilkan oo ka dhacay Wadada diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir ayaa yimid kaddib markii cilad ay ku timid diyaaradda.

Ma jirto khasaare ka dhashay shilkan, wallow uu burbur xooggan ku yimid qeybo kamid ah diyaarada.