Guddoomiye Cabdi Xaashi oo sheegay inuu diyaariyay Habraac doorasho (Akhriso)

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baaarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in Madaxda Dowladda Federaalku ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta gobollada waqooyi ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socota.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiiran tahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo.