Jubbaland oo ku hanjabtay inay dib ula wareegi doonto Gobalka Gedo (VIDEO)

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in gobolka Gedo ay ka qabatao doorashooyin ay horboodayaan xubno ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Guddiyada doorashoyinka ee la Magacaabay ay yihiin kuwo ka tirsan NISA & Hay’adaha dowladda, isla markaana la doonayo in lagu boobo kuraasta Baarlamaanka labada Aqal, taasina aan la aqbaleyn.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa xusay in Jubbaland oo kaashaneysa Bulshada ay waajib tahay in sidii hore lagu soo celiyo Gobolada Gedo oo ay dib ula wareegaan si looga hortago qorsho kasta oo ay ka damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay ka abuurtay gobolka Gedo Amni darro iyo inay dhamaan ka tagaan Hay’adihii samafalka, waxaana uu ku hanjabay in si kastaba ay gobolka Gedo la wareegi doonaan.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kusoo aadayaa xilli weli aan wax xal ah laga gaarin arrinta Gobolka Gedo, isla markaana ay tahay weli caqabad ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya & Jubbaland.