Puntland oo ka hadashay shilka diyaaradda Air Jabuuti (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor Gabiley, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa ugu horeyn ka warbixiyay shilka ay Garoonka ku gashay diyaarada Air Jabuuti.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo looga qaadayo diyaaradda jidka ay diyaaraduhu ku ordaan oo ay ku go’day, ayna u saartay Wasaaraddu Guddi ka kooban 6 xubnood.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo la xiriiray inuu dab ka kacay diyaarada, lana waayay dab-damiskii garoonka.