Shirka Maamul baahinta Puntland oo Garoowe ka furmay (VIDEO)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuquraadiyeynta ayaa maanta qabatay shirka madasha wada-hadalka Geedi Socodka maamul Baahinta Puntland.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo daadejin lahaa adeegyada assaasiga ah ee Bulshada.

Shirka ayaa ka qabsoomay magalaada Garoowe Wasaaradda ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Musadaq Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Nuur Qaarka mid ah Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Dowladda Puntland, xubno ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, madax ka socotay xafiiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo marti sharaf.