40 Xildhibaan oo saxiixay mooshin Xasaanada looga qaaday xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland

In ka badan 40 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshin xilka looga xayuubinayo Xildhibaano katirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, kuwaas oo si adag u mucaaradsan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Xildhibaanada oo diiday inay wada-hadal la galaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, ayaa 48 saac ee lasoo dhaafay ku howlanaa mooshin ka dhan ah Guddoomiye C/rashiid, balse mooshinka ayaa dhinac kale u wareegay. Xildhibaanada Xildhibaanada Xasaanada lagala laaban doono kulanka Golaha ee maanta ayaa kala ah;

Ayaanle Galan Guuleed
Maxamed Maxamuud Barre
Baduugahaye
Cabdiraxmaan Dhoore
Cabdiqani Surato
Cabdi Jamaal
Muuse Gahayle
Maxamuud Carbash.

Waddooyinka soo gala xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa saaka xiran, waxaana la filayaa in Goluhu uu si rasmi ah goor-dhaw u furmo.