DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xasaanada ka qaaday 8 Xildhibaan

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan oo kamid ahaa Golaha Wakiillada Puntland.

39 xildhibaan ayaa fadhiga Golaha soo xaadiray, waxaana in xasaanada laga qaado u codeeyey 35 xildhibaan, 3 Mudane Mudane diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.