DEG-DEG: Golaha Wasiirada Puntland oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Sicir-bararka (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Sarifka Lacagaha, Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland, Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Guud ee Dowladda Puntland, Saamaynta duufaantii GATI, Xaaladda Ayaxa iyo Hab-raaca sameynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.