Joe Biden oo la kulmay dadka uu saameeyay Coronavirus

Madaxweynaha la doortay ee Mareyaknka Joe Biden ayaa kulan khadka Zoom-ka ah kula qaatay Arbacadii Shalay ganasatada yaryar ee Mareyaknka iyo dadka shaqaalaha ah kuwaas oo uu saameeyay hoos u dhaca dhaqaale ee ka dhashay aafada Coronavirus.

Biden oo isku howlaya wax ka qabashada Covid19 ayaa kulankan ku qabtay magaalada Wilmington ee gobolka Delaware oo xarun u ah howlihiisa xilliga kala guurka waxuuna kusoo aadaya iyadoo todobo usbuuc ay ka harsan tahay caleema saarkiisa oo ku began 20-ka January ee sanadka soo socda.

Madaxawyenaha la doortay ayaa sidoo kale hay’adaha sirdoonka ee Mareykanka si maalinle ah uga hela helaya xogaha xasaasiga ah ee qalalaasaha caalamka iyo wax kastoo halis ku amniga qaranka ee Mareykanka.

Tobanaan kun oo kiisas-ka Cororanvirus ah ayaa maalinkii gudaha Mareykanka laga warinayaa iyadoo dhimashada ay gaartay 270,000 oo ruux taas oo ka badan dal kasta oo caalamka ah sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins ee daraaseysa cudurka.

Biden ayaa Talaadadii markii uu soo bandhigayay la taliyeyaashiisa dhaqaalaha sheegay inuu hore u dhaqaajinayo dib usoo celinta gargaarka federalka isagoo ugu baaqay golaha sharci dajinta ee Mareykanka inay meel mariyaan wax kastoo caawimaad ah xitaa inta uusan xafiiska la wareegin.

Hadalka Biden ayaa kusoo imaanaya iyadoo Malaayiin muwaadiniin Mareykankan ah ay lasoo daristay shaqo la’aan halka kumanaan ganacsiyada yar yar ahna ay xirmeen tan iyo intii uu mareykanka ka billowday Coronavirus.