Sacuudi Carabiya iyo Qatar oo ku dhow heshiis laga gaaro Gacanka

Dalalka Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku dhow inay gaaraan heshiis hordhac ah, si loo soo dhameeyo muranka ka jira dalalka deriska ee Gacanka oo soo jiitamaayey muddo ka badan saddex sano,sida laga soo xigtay ilo wareedyo la xiriirayWarbaahinta Al Jazeera.

Heshiiskaan  la rajeynayo ayaa yimid ka dib markii la taliyaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Jared Kushner uu la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Tallaabadaan ayaa lagu macneeyay isku daygii ugu dambeeyay ee maamulka Mareykanka uu qaadayo, ka hor inta uusan maamulka Trump xafiiska ka tagin bisha Janaayo.

saraakiil Mareykan ah ayaa sheegaya in muhiimadda ugu weyn ee wadahadalaa uu yahay xallinta muranka ka dhashay ogolaanshaha in diyaaradaha Qadar ay maraan hawada Sacuudiga iyo Imaaraadka (UAE).