Wasiir Arrimaha gudaha DFS oo gaaray Beledweyne (VIDEO)

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib-u-Heshiisiinta XFS General Muqtaar Xuseen Afrax ayaa goordhow soo gaaray magaalada Beledweyne.

Guddoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Maamulka Gobolka Hiiraan xildhibaanno Hirshabelle kamid ah Saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada ayaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif wafdiga kusoo dhaweeyay.

Socdaalka wasiirka ayaa salka ku haaya xallinta tabashada dadka ree Hiiraan ka qabaan dhismaha labaad ee maamulka Hirshabelle waxuuna kulamo la qaadan doonaa qeybaha bulshada sida Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada.