Xiisad kacsan oo saaka ka taagan xarunta Baarlamaanka Puntland & Mooshino

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa saaka lagu wadaa inay yeeshaan kulan xasaasi ah, waxaana xarunta hareereeyay Ciidammada Amniga.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa saacadihii dambe ee xalay bilaabay saxiixa mooshino iska soo hor-jeeda, kuwaas oo ay kala wadaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo doonaya in Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha oo fowdo joogta ah ka sameeya Golaha Xasaanada lagala laabto, halka Xildhibaanadaasna at wadaan Mooshin ay doonayaan in Guddoomiyaha xilka looga tuuro.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.