Akhriso: Puntland oo ka digaysa Duufaan cusub

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ayaa digniin cusub kasoo saartay duufaan cusub oo lagu magacaabo “Burevi”, taas oo kusoo wajahan Xeebaha Gobalada Bari ee Puntland.

Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa sheegtay in duufaantan ay isku bedeli karto Roobab dabeylo wata oo ka da’a deegaanada Xeebaha ee Gobalada Bari, Karkaar iyo Gardafuu, oo dhowaan ay ku dhufatay duufaanta GATI oo saameyn balaaran ku yeelatay Dadka iyo Duunyada, ayna ku naf-waayeen ku dhowaad 10 Ruux.