XOG-WARAN: Madaxweyne Farmaajo oo dhex dabaalanaya Mowjado Siyaasadeed, & Labo daran mid dooro

Cadaadis saaran awgiis, Madaxweyne Farmaajo wuxuu soo saarayaa qoraal uu ku dalbanayo in Madasha Musharaxiintu ay la kulmaan, oo ka wada hadlan sidii looga gudbi lahaa jawiga cakiran.

Dhanka Musharaxiinta ma xiisaynayaan la kulanka Farmaajo,waxaana jira xan hoose oo sheegaysa Musharaxiintu in ay ku faraxsan yihiin sida xaalku yahay oo ay danaynayaan in laysla gaaro 8-da Feb,iyadoon waxba dhaqaaqin.

Farmaajo waxuu ku dadaalayaa in doorashadu bilaabato oo Seneterada Aqalka sare xiligooda lagu doorto.

Gudiyada doorashada ee Xamar fadhiya qaybtana aysan ka ahayn Puntland iyo Jubaland,ayuu ku cadaadinayaa in ay soo saaraan Kereteeriyada wax lagu dooranayo ka hor Isniinta,balse iyagu waxay ku adkaysanayaan in aysan Isniinta ka hor wax soo saari karin.

Galmudug iyo Hir-shabelle oo uu cadaadis saaray waa ku dhici waayeen in ay doorashada bilaabaan oo Mushsraxiinta Xamar fadhiya,ayaa saamayn adag ku yeeshay.

Koonfur-galbeed oo kaligeed ah,ayuu hada Farmaajo quudaraynayaa in ay ku dhiirato bilaabida doorashada Seneterada Aqalka sare.

Puntland iyo Jubaland waxay ku xireen shuruudo in ay magacaabaan Gudiyadii doorashada.

Cadaadiska ugu xooga badan waxaa Farmaajo ku haya beesha caalamka,waxayna usheegeen in uu hogaamin muujiyo.

Farmaajo laba Wado,ayaa ufuran xiligan adag…

1.In uu si buuxda utanaasulo kubadana dhulka dhigo qaybna ka noqdo Musharaxiinta.

2.In uu kusii adkaysto sida uu wax u macjilaystay miraheedana udiyaar garoobo iyo waxay dhasho.

Jibril Qoobey.