Dr. Cabdiweli Gaas oo si adag u difaacay Jubbaland, eedna u jeediyay DFS (VIDEO)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ka dhan ah Dowladda Jubbaland, kaas oo lagu weerarayo.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in DFS ay ku heysato Dowladda Kenya xiriirka wada shaqeyneed ee ay la lee dahay Madaxweynaha Jubbaland ee ku dhisan la dagaalanka Argagixisada, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu xiriir dhow oo aan guntiisa la ogeyn uu la lee yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Asias Afwerki.