Golaha Wasiirada XFS oo yeelanaya kulan aan caadi aheyn, & Jubbaland oo..

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Shir aan caadi aheyn ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoona Wasiirada xalay loo diray fariimo lagu wargelinayo kulankan.

Shirkan aan caadiga aheyn ee ay yeelanayaan Golaha Wasiirada XFS ayaan la ogeyn waxa looga hadlayo, balse warar Hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada kulankooda looga dhawaaqi doono Go,aan ka dhan ah Dowladda Jubbaland.

Warar lagu kalsoon yahay oo isa soo marayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay wadaan qorshe loogu aqoonsanayo Jubbaland dhul Cadow heysto.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal soo dhigay bartiisa Facebook maalmo kahor ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo cadaadis culus ku haayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo tilmaamay in uu ka doonayo in Rooble ku dhawaaqo in deegaanka Jubbaland uu cadaw heysto.