Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay oo Guddoon doortay

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed ee lagu muransan yahay ayaa goor-dhaweyd doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Guddoomiye u doortay Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo helay 17 cod, halka Guddoomiye ku-xigeen ku doortay Mowliid Mataan Salaad oo helay 19 cod.

Guddigaan ayaa ah mid lagu Muransanyahay waxaana aad uga soo horjeestay Musharaxiinta Mucaaradka iyo dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ilaa iyo hada aan xubnahoodii aan la hayn.