Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo Shir ku yeelanaya Muqdisho

Shirka Somalia Partnership Forum ayaa Muqdisho ka furmaya 7 bisha December oo ku began Isniinta soo socota, waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkan kii ka horreeyay ayaa horaanti bishii October sanadkii 2019 ka dhacay Muqdisho, inkastoo aanay xilligaas ka soo qeyb gelin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirka Arbacada soo socda ayaa looga hadlayaa wixii qabsoomay saddexdii sano ee la soo dhaafay, amniga, siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada, caqabadaha jira, ka gudbida marxaladaha kala guurka, gaar ahaan doorashada.