Mareykanka oo Ciidankiisa kala baxaya Soomaaliya

Maraykanka ayaa la sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya horraanta sanadka soo socda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa amray Pentagon ka in ciidamadiisa laga saaro Soomaaliya sidda ay lagu shaaciyay war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka oo lagu faahfaahiyay amarka Madaxweyne Trump.

700 ee askari ee maraykanka ah ee hadda jooga Soomaaliya ayaa dib ugu laaban doona saldhigyo Maraykanku ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga.

“inta badan  ciidamada iyo hantida Mareykanka ee jooga Soomaaliya lagala bixi doono horaanta sanadka 2021” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Pentagonka.

Waxaa uu intaasi kusii daray warka “Haatan waxaa jira 700 oo askari oo ku sugan wadankaas geeska Afrika ku yaal, kuwaas oo tababar iyo la talinba siinaya ciidamada maxalliga ah. dagaalka dheer ee ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee al-Shabab, oo gacansaar la leh al-Qaida”

Ciidamada Ameerikaanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa 13 kii sano ee la soo dhaafay dagaal kula jiray Al-Shabaab iyo koox yar oo ka tirsan Daacish.