Wasaaradda Deegaanka Puntland oo wada howlgallo ka dhan ah Ayaxa (Sawirro)

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Cali Geelle, ayaa kormeer shaqo ku tagay Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari, halkaas oo ay wasaaraddu kawado howlgallo kala duwan oo lagu xakamaynayo Ayaxa.

Wasiirka ayaa kulamo kala duwan la qaatay beeralayda deegaanadii uu booqday waxaana sidoo kale uu kormeeray shaqada ay kooxda Wasaaradda ee Caabinta Ayaxu ka wadaan Gobolada kala duwan ee Puntland, tani waxay qayb ka tahay dadaalo xooggan oo Wasaaradda Deegaanka iyo Beeruhu ay kula tacaalayso Ayaxa ku habsaday inta badan Gobolada Puntland.