Akhriso: Jubbaland ayaa ka hadashay Mowqifkeeda ku aadan doorashooyinka 2020/21.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Jubbaland ayaa looga hadlay Mowqifka Jubbaland ee Doorashooyinka 2020/21, Arrimaha Gobalka Gedo iyo xaalada Guud ee Soomaaliya, waxaana ay digniin adag u dirtay DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Dowlad Goboleedka Jubballand ayaa Madaxwayne Farmaajo uga digtey inuu ku sii socdo tixgelin la,aanta Cabashooyinka Saamileyda Siyaasadeed Gaar ahaan Midowga Murashaxiinta iyo Jubballand Laftigeeda.