Ciidanka Itoobiya oo ku dhex dagaalamay Soomaaliya

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa saaka ku dagaalamay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka dhexmaray Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Saldhiga Ciidammada Itoobiya ee Halgan ayaa yimid kaddib markii la isku dayay in hubka laga dhigo Saraakiil iyo Ciidan ka soo jeeda Qowmiyada Tigreega oo ka tirsan cutubyada Ciidan ee dagan deegaankaas, hayeeshee ay ka biyo diideen.

Dadka kunool deegaanka Halgan ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ka dhaceeysay Xerada Ciidamada Itoobiya ee degaanka, balse aysan wlei helin khasaaraha ka dhashay dagaalkooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada dagaalamay ay weli isku hor-fadhiyaan degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.