Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo aan ka qeybgali doonin Shirka SPF

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa ka baaqday socdaalkoodii Muqdisho iyo Shirka Somali Partnership Forum (SPF) ee ay isugu yimaadaan Somaliya iyo Saaxiibadeeda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay uga baaqdeen Muqdisho kadib xog amaan oo la helay, taas oo la xariirta weeraro ay qorsheynayso Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Sirdoonka Jubbaland ayaa ogaaday in Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo Taliskeeda NISA ay diyaariyeen qorshe la doonayo in lagu afduubo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku wargeliyay Saaxiibada Beesha Caalamka in aysan kasoo qeyb-gali doonin Shirka SPF.